Horjoogayaal madaxooda lacago dul saarneyd oo lagu dilay deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan

Taliye ku xigeenka qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, Cabdullaahi Barre Cilmi, ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay dagaallo culus oo maalmahan ka socday deegaanka Abooreey ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka, kuwa deegaanka iyo kooxda Al-Shabaab.

Taliye Cabdullaahi ayaa sheegay in dagaalkaasi lagu dilay horjoogayaal muhiim ah iyo tiro badan oo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo isaga kala yimid gobollo kala duwan oo dalka ah.

“Abooreey waxaan uga dilnay Khawaarijta ilaa sideed horjooge, kuwaas oo u badnaa Ajaanib. Laba ka mid ah madaxooda waxaa dul saarnaa lacago malaayiin dollar ah. Mid ka mid ah wuxuu u dhashay dalka Kenya, wuxuuna u qaabilsanaa isku xirka Jabhadaha Kenya iyo Soomaaliya,” ayuu yiri Taliyaha oo la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay in meydadka dagaalyahanadii Al-Shabaab ay wali yaallaan gudaha Abooreey, taasoo muujinaysa khasaaraha culus ee kooxdaasi ka soo gaaray dagaalka. Wuxuu xusay in hawlgalku uu wali socdo, ayna ku dadaalayaan sidii loo cirib tiri lahaa xubnaha dhiman ee wali isku dayaya inay iska caabiyaan.

“Cadawga Khawaarijta waxay wali ugu dagaalamayaan qeybo ka mid ah Abooreey sabab la xiriirta meydadka horjoogayaashooda oo lacago madax-doodu dul saarnaayeen. Waxay diiddan yihiin in la aqoonsado, si aysan lacagahaas u soo gaarin dowladda ama ciidamada,” ayuu mar kale yiri Taliye Cabdullaahi Barre Cilmi.

Hadalka Taliye ku xigeenka ayaa imanaya iyadoo dagaalka ka socda Abooreey uu galay toddobaadkiisii labaad, halkaas oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay la wareegeen goobo muhiim ah, iyagoo ku dhow inay si buuxda u xoreeyaan deegaankaasi.

Kooxda Al-Shabaab, oo ah urur argagixiso oo ay Qaramada Midoobay, Mareykanka, Midowga Yurub iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya u aqoonsan yihiin koox xagjir ah oo halis ku ah amniga gudaha iyo gobolka, ayaa muddo dheer ku sugnaa qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan. Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa tan iyo sanadkii hore qaadayay howlgal ballaaran oo lagu dabar-goynayo kooxdaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *