Maamulka Hirshabelle ayaa maanta amar ku siiyay diyaaradaha Muqdisho ka yimaada ineysan ka soo qaadi karin ciidamo hubeysan oo Dowlada Somalia ka tirsan taasoo cadeyn ah kala shaki soo kala dhex galay labada dhinac.
Maamulka Hirshabelle ayaa ka cabsi qaba in Dowladu qaado talaabo ay ciidamo ugu soo direyso Jowhar waliba si qarsoodi ah madaama Dowladu ku qanacsaneyn hab siyaasadeedka maamulkaasi shaqada maamulka ku wado sida wararka aan hore idin kula wadaagnay.
Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Maamulka Hirshabelle iyo Dowlada Faderaalka Soomaaliya ayaa sii xoogeysanaya iyadoo talaabadaani ay ku soo aadeyso xili munaasabadii xuska ee aas’aaskii maamulkaasi ee dhacay 5-ii bishaan aan lagu arkin wasiiro ka tirsan Dowlada.
Waxaa jirta warar xooggan oo sheegaya in Dowladu xilka Madaxweynaha Hirshabelle la rabto C/laahi Maxamed Nuur oo ah ganacsadaha iska leh Hotel Ilite xili hadalo masuuliyiin lagu xantay inay soo kala direen isaga iyo Cali Guud-laawe ay hawada hadalo isu marsiiyeen.
Si kastaba Dowlada Somalia si cad uma eedeyn maamulka Hirshabelle mana jirto talaabo ay ku cadeyneyso inayso inuu jiro dhibaato ay ku qabaan hab siyaasadeedka Maamulka Hirshabelle iyo Madaxweynahooda Cali Guud-laawe.