Hiiraan – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa fuliyay weerar qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Khawaarijta, kaas oo ka dhacay deegaanka Ceel-Hareeri ee gobolka Hiiraan, meel howd ah oo ku taalla xuduudda u dhexeysa gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Weerarka ayaa lagu bartilmaameedsaday xarun ay kooxda Khawaarijtu ku lahaayeen deegaankaas, taas oo ay u adeegsanayeen sidii saldhig ay ku abaabulaan weerarro iyo falal amni-darro. Sida ay sheegeen saraakiisha milatariga, ciidamada ayaa si toos ah u beegsaday goobaha ay kooxdaasi ku dhuumaaleysanayeen, iyagoo halkaas ku dilay tiro badan oo ka tirsan xubnaha Khawaarijta.
Intii uu howlgalka socday, ciidamada ayaa sidoo kale burburiyay godod ay Khawaarijtu ku dhuuman jireen, kuwaas oo ay hore u isticmaali jireen si ay uga fogaadaan weerarrada. Goobta ayaa laga helay maydadka xubnihii laga dilay kooxda, taas oo muujineysa khasaaraha baaxadda leh ee Khawaarijtu kala kulmeen howlgalka.
Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in howlgalka uu yahay mid guul weyn laga gaaray, isla markaana Khawaarijta lagaga saaray saldhigyo istiraatiiji ah oo ay ku lahaayeen deegaankaas muhiimka u ah isu socodka kooxda.
Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa ku ammaanay iskaashiga iyo taageerada shacabka deegaanka, taas oo ay sheegeen inay door weyn ka ciyaartay guusha laga gaaray howlgalka.
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu baacsanayo kooxaha Khawaarijta, loogana sifeynayo guud ahaan gobollada dhexe ee dalka, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.