Hantidhowraha Guud ee qaranka oo ka qeybgalay shir lagu qabtay magaalada Madrid

Madrid – Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Abukaate Axmed Ciise Guutaale, ayaa ka qeybgalay shir heer caalami ah oo lagu qabtay magaalada Madrid ee dalka Spain, kaas oo loogu magac daray “Hindisaha Xirfadda Hal-abuurka Sare” (Mastery Initiative).

Kulankan oo socday muddo laba toddobaad ah ayaa waxaa si wadajir ah u martigeliyay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Spain (SAI Spain) iyo Jaamacadda Universidad Autónoma de Madrid, waxaana si weyn u taageerayay Xoghaynta Arrimaha Dhaqaalaha ee Switzerland (SECO Switzerland).

Barnaamijkan ayaa ujeeddadiisu ahayd kobcinta hoggaaminta, xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee hay’adaha hantidhowrista, iyo is-weydaarsiga waayo-aragnimada la xiriirta sidii hay’adaha Hantidhowrka Guud ay uga jawaabi lahaayeen caqabadaha dhaqaale iyo maamul ee dunida ka jira.

Soomaaliya ayaa si muuqata uga dhex muuqatay doodyadii muhiimka ahaa ee shirka, gaar ahaan kuwii diiradda saarayay doorka hay’adaha hantidhowrista ee maaraynta khataraha maaliyadeed, la dagaallanka musuqmaasuqa, iyo horumarinta daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka.

Hantidhowraha Guud ee Soomaaliya ayaa kulanka ku soo bandhigay dadaallada socda ee lagu horumarinayo hufnaanta maaliyadeed ee dalka, isagoo si gaar ah u adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi caalami ah oo lagula dagaallamo musuqmaasuqa, laguna xoojinayo kalsoonida dadweynaha ee nidaamka maaliyadeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *