Muqdisho: Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda UK u fadhiya Soomaaliya Charles King, waxaana kulanka diiradda lagu saaray xoojinta iyo dardargelinta xiriirka labada dal.
Danjiraha oo ugu horeyn Guddoomiyaha uga mahadceliyay soo dhoweyntiisa ayaa xusay in mudadii uu xilka hayay uu xoogga saaray sidii loo horumarin lahaa iskaashiga iyo xiriirka labada wadan, waxaana uu carrabka ku adkeeyay in Dowladda Ingiriiska ka go’an tahay sii adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed iyo joogteynta taageerada ay Soomaaliya la garab taagantahay.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyay Dowladda Ingiriiska iyo shacabka reer UK taageerada ay mar walba la garab taaganyihiin Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, amniga iyo dhismaha dowladnimada.
Aaden madobe ayaa safiirka uga warbixiyay shaqooyinka Golaha Shacabka iyo horumarka ka socda Dalka, waxaana uu xusay in Baarlamaanka Soomaaliya kalfadhiga todobaad uu xoogga saari doono dib-u-eegista iyo dhameystirka dastuurka Dalka.