Gudomiyihii Hore ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo ku geeriyooday Mareykanka

Wararka ka imanaya magaalada Columbus, Ohio ee dalka Mareykanka ayaa xaqiijinaaya in Dr Cali Cabdi Camalow, Gudoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe ee Soomaliya uu ku geeriyooday magaalada Columbus, Ohio ee Dalka Mareykanka.

Dr Camalow ayaa ahaa Gudoomiyaha Bangiga Dhexe Mudadii u dhaxeeysay 1990-1991 ee xilligii Dowladii Kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre.

Cali Cabdi Camalow, wuxuu muddo dheer ka soo shaqeeyey horumarinta Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, isagoo soo qabtay xilal kala duwan oo heer Agaasime, Kaaliye, Agaasime Guud, illaa uu ka gaaray jagada Guddoomiyaha Bankiga.

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Guddoomiyihii hore.

Dad Banad oo isugu jira aqoonyahano, siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan Dowlada Federalka ah ee Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid gudoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *