Gudiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka oo la kulmay haweenka Soomaaliyeed

Gudigga madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo soohdimaha ayaa kulan wadatasshi ah kula qaatay haweenka Soomaaliyeed Magaalada Muqdihso manta oo ay taarikhdu ahayd 25 December 2024. Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii Haweenku qeyb weyn uga qaadan lahayeen wacyi gelinta Doorashada tooska ah ee qof iyo cod ee dalka ka dhici doonta

Xubnaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo soohdimaha ayaa Haweenka ay la kulmeen ka dhegaystay talooyin ay u soo jeediyeen iyaga oo balan qaaday in markasta u baahanyihiin talooyinka Haween weynaha Soomaaliyeed

Gudigga maadaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo soohdimaha ayaa dhankooda balan qaaday in ay joogtayn donaan kulamada noocan oo kale markasta ay la tashan donaan Haweenka Soomaaliyeed si loo sii anba qaado in ay dalka ka dhacdo Doorasho dad weyne

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *