Guddoomiyaha SoDMA oo Nairobi ka Daahfuray Kulan Sare oo Lagu Dardar-gelinayo Xogta Barakaca iyo Isbeddelka Cimilada

Nairobi – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Nairobi si rasmi ah uga daahfuray kulan muhiim ah oo lagu falanqeynayo horumarinta nidaamka xog-ururinta iyo ka jawaabista musiibooyinka, gaar ahaan kuwa la xiriira barakaca iyo isbeddelka cimilada.

Kulanka oo ay ka qeybgalayaan khubaro heer sare ah, sameeyayaal siyaasadeed, maamulka sare ee SoDMA, iyo wakiillo kale oo ka socda hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa diiradda lagu saaray xog-is-weydaarsi iyo wadatashi ku saabsan Nidaamka Diiwaangelinta Socdaalka Dadka Barakacayaasha ee IOM (Displacement Tracking Matrix – DTM).

Guddoomiye Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa khudbaddiisa furitaanka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo nidaamyada digniinta hore ee musiibooyinka, lana hormariyo jawaabaha degdegga ah ee ka hortagga saameynta halis-wadareedka, isagoo xusay in la dhiso adkeysi bulsho si dadka nugul loo ilaaliyo kahor, inta lagu jiro, iyo kadib marka ay dhacaan masiibooyinka dabiiciga ah ee ay sababaan isbeddelada cimiladu.

“Xogta waqtigeeda ah iyo saadaasha joogtada ah ee nidaamka DTM waxay noo suurtagelinayaan in aan qorsheyn sax ah sameyno, lana gaaro bulshooyinka u baahan taageerada degdegga ah,” ayuu yiri Guddoomiyaha SoDMA.

Nidaamka DTM ee ay fuliso Hay’adda IOM ayaa bixiya xog muhiim ah oo hagta qorsheynta wax-ka-qabashada xaaladaha barakaca, taasoo fure u ah horumarinta dadaallada ka hortagga iyo yareynta saameynta cimilada ee ku wajahan bulshada Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa ka mid ah dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku doonayso inay ku mideyso qorsheyaasha la xiriira ka hortagga musiibooyinka, horumarinta nidaamyada xog ururinta, iyo sare u qaadidda iskaashi heer qaran iyo mid caalami ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *