Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay culimada Soomaaliyeed

Mohamud Moalim Abdulle, guddoomiyaha hey’ada maareeynta musiibooyinka oo uu wehliyo ku xigeenkiisa yaa manta kulan kula  yeeshay culimaa’udiinka Soomaaliyeed magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray hortagga colaadaha sokeeye, muhiimadda ay leedahay wacyi-galinta wax-garadka iyo u diyaar-garowga yareynta khatarta ka dhalan karta abaarta La-nin la qaatay culimada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Hay’adda ayaa culimada uga warbixiyay saameynta billowga ah ee La-nina, taas oo durba saameysay nolosha iyo degaanka 13 gobol oo ka mid ah 18-ka gobol ee dalka, si gaar ah gobollada Gedo, Hiiraan, Baay, Bakool, Mudug, Togdheer, Galgaduud, Sool, Shabeellaha hoose, Shabeellaha dhexe iyo Jubbada hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *