Muqdisho, Soomaaliya – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan gaar ah oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyadoo kulankaasi lagu lafaguray arrimo muhiim ah oo la xiriira xaaladda amni ee dalka, isku-dubaridka hay’adaha amniga, iyo doorka bulshada ee xoojinta nabadda iyo xasilloonida.
Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray diyaar-garowga Qaranka ee munaasabadaha ciidda soonfur, toddobaadka xorriyadda ee bisha Juun, iyo habsami u qabsoomidda imtixaannada shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka.
Golaha Wasiirrada ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi buuxa oo dhexmara hay’adaha amniga, si loo xaqiijiyo nabadgelyada guud ee dalka, gaar ahaan xilliyada munaasabadaha qaranka, iyagoo xusay in bulshadu ay door weyn ka ciyaarto sugidda xasilloonida iyo wacyigelinta bulshada.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa si weyn u bogaadiyay guusha ay Soomaaliya ka gaartay dhanka diblomaasiyadda iyo horumarinta deegaanka, iyagoo ku tilmaamay mid taariikhi ah ka mid noqoshada rasmiga ah ee Soomaaliya ee Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta magaalooyinka iyo deegaanka (UN-HABITAT).
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay dhammaan hay’adaha dowladda, shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah taageeradooda joogtada ah ee ku aaddan horumarinta Soomaaliya, isaga oo xusay in guulaha la gaaray ay horseedayaan kalsooni iyo dhiirigelin dheeraad ah oo ku wajahan dhismaha dowladnimo waarta.