Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta oo Arbaco ah, 28-da May 2025, wareegto rasmi ah ku magacaabay Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho, iyada oo lagu saleeyey soo-jeedin ka timid Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta.
Magacaabista Dr. Muungaab ayaa lagu saleeyey aqoonta, kartida iyo waayo-aragnimada uu u leeyahay hoggaaminta iyo maamulka, iyadoo uu horey xilkan u soo qabtay isla markaana door muuqda ka soo qaatay dib-u-dhiska caasimadda Muqdisho iyo horumarinta adeegyada bulshada ee Gobolka Banaadir.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub in uu mudnaan gaar ah siiyo arrimaha horumarinta Caasimadda, xoojinta dib u heshiisiinta bulshada, kor u qaadidda wadashaqeynta laamaha ammaanka, hagaajinta bilicda magaalada iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah, kuwaas oo ah tiirarka ugu muhiimsan ee qorshaha dowladda.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa u rajeeyay Dr. Xasan Muungaab in uu Alle u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoo faray dhammaan hay’adaha dowladda ee ay wada shaqeynta ka dhaxeyso in ay si dhow ula shaqeeyaan Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir.
Wareegtada Madaxweynaha ee magacaabista Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u dhaqan gashay maanta, 28-da May 2025.