Generaal Morgan oo goordhaw ku geeriyooday dalka Kenya

Nairobi – Waxaa galabta magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ku geeriyooday Allaha u naxariistee Jeneraal Maxamed Xirsi Morgan, oo horey u soo noqday Wasiirkii Gaashaandhigga ee Xukuumaddii Kacaanka Soomaaliya.

Ehelada marxuumka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geeridiisa, iyagoo sheegay in Jeneraal Morgan uu maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanaa magaalada Nairobi, halkaasna uu ugu dambeyn ku geeriyooday.

Jeneraal Maxamed Xirsi Morgan, oo asal ahaan ka soo jeeda deegaanada Puntland, ayaa ka mid ahaa saraakiishii ugu sarreysay ee ka tirsanaa xukuumaddii milatari ee uu madaxweyne ka ahaa Maxamed Siyaad Barre. Waxa uu xilal muhiim ah kasoo qabtay dowladdii Kacaanka, gaar ahaan wasaaradda gaashaandhigga, isagoo sidoo kale guursaday gabar uu dhalay madaxweynihii hore Maxamed Siyaad Barre.

Geerida Jeneraal Morgan ayaa si weyn looga dareemay gudaha iyo dibedda dalka, iyadoo ay tacsi u direen madax kala duwan, siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan, kuwaas oo Alle uga baryay in uu u naxariisto, dambigiisana dhaafo, jannadii fardowsana ku abaalmariyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *