Hiiraan – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal duqeyn cirka ah oo si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamiga ah, kaas oo lagu beegsaday koox ka tirsan Al-Shabaab, xilli ay ku safraayeen deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan.
Howlgalka oo dhacay saacadahii lasoo dhaafay ayaa si gaar ah loola eegtay laba gaari oo ay wateen xubno ka tirsan kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaas oo marayay meel u dhow deegaanka Mabaax. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, duqeynta ayaa lagu dilay 18 xubnood oo ka tirsanaa kooxda, iyadoo labada gaari ee dagaalka lagu burburiyay gebi ahaanba.
“Bartilmaameedka howlgalkaan oo si guul leh u fulay ayaa laga sameeyay deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay 18 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta, waxaana sidoo kale la burburiyay laba gaari oo ah nooca dagaalka oo ay doonayeen in ay ku baxsadaan,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.
Duqeyntan ayaa noqonaysa tii labaad ee toddobaad gudihiis lagu beegsado kooxda Al-Shabaab gudaha gobolka Hiiraan, taasoo muujinaysa joogtaynta gulufka amni ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada.
Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo saaxiibada caalamka ayaa weli wada howlgallo ballaaran oo lagu xoreynayo deegaanada ay kooxda Al-Shabaab ku dhuumaaleysaneyso, iyadoo diiradda la saarayo in dalka laga ciribtiro khatarta ay ku hayaan shacabka iyo amniga guud ee Soomaaliya.