Duqeymo ka dhacay Bu,aale iyo Baay

Muqdisho – sida ay ku waramayaan Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan gobollada Koonfurta Soomaaliya waxa ay sheegayaan in duqeymo culus oo isdaba joog ah lagu beegsaday saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen gobollada Shabeellada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Baay, ka dhaceen halkaas, waxaana lagu dilay hoggaamiyeyaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, qaar kalena lagu dhaawacay sida ay sheegteen saraakiisha dowladda somaliya.

 Duqeymahan, oo gaaraya illaa afar, ayaa ka dhacay deegaanada Bu’aale (Jubbada Dhexe), Kuunya-Baroow (Jubbada Dhexe), Sablaale (Shabeellada Hoose) iyo Buulo-fulaay (Baay), sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo sirdoon.

Mid ka mid ah duqeymaha ugu khasaaraha badan ayaa lagu fuliyay deegaanka Sariiraha oo hoostaga Bu’aale, halkaas oo lagu dilay xubno ajaanib ah oo muhiim u ahaa Al-Shabaab, kuwaas oo lagu eedeeyay inay kaalin weyn ku lahaayeen tababarka dagaalyahannada kooxda.

Tirade iyo Magacyada xubnahan la dilay ayaa lagu sheegay:

  1. Abu Fahad Sudaani – u dhashay dalka Suudaan
  2. Abu Saleban – u dhashay Pakistan
  3. Abu Jaacfar – u dhashay Morocco
  4. Abu Maalik – oo aan la cayimin dalka uu ka yimid

Sidoo kale, ilo-wareedyadu waxay sheegeen in deegaanka Buulo-fulaay ee gobolka Baay lagu beegsaday duqeyn lala eegtay hoggaamiyeyaal Al-Shabaab ah, inkastoo faahfaahin dheeri ah aan laga bixin magacyadooda ama tiradooda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ayaan weli si rasmi ah uga hadlin howlgaladan, balse waxa ay qeyb ka yihiin dadaallada socda ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab ee Koonfurta Soomaaliya.

Duqeymahan ayaa dhaliyay hadal heyn badan, iyadoo la filayo in weerarrada noocan ah ay sii socdaan maadaama ay socdaan howlgalka Qaramada Midoobay iyo kuwa ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *