Duqeymo ay fuliyeen diyaarado oo ka dhacay Hiiraan

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo ka fuliyeen saldhigyo ay dagalyahanada Al-shabaab ay ku lahaayeen Magaalada Moqokori ee Gobolka Hiiraan, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal duqeyn qorshaysan ka fuliyay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay saddex horjooge oo ka tirsanaa dagaalyahanada Al-Shabaab.

Dagaalyahanada lagu dilay weerarka duqeynta ah waxa kamid ah Cabdi Xiiray, oo ka tirsanaa saraakiisha sare ee Al-Shabaab, islamarkaana abaabulay weerarro ay al-shabaab hore uga geysteen deegaannada Hirshabeelle sida lagu sheegay bayaanka.

Dowladda Soomaaliya ma aysan soo bandhigay Sawirada dagaalyahanada ka tirsanaa Al-shabaab ee lagu dilay duqeynta.

Howlgalkan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah wiiqista awoodda Al-Shabaab ee gobolka, iyadoo saraakiisha amnigu sheegeen in ay sii wadi doonaan qorshayaasha ka dhanka ah kooxdan si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *