Isniinta manta ah ayaa la filayaa in magaalada Doha ee xarunta dalka Qatar uu ka furmo shir muddo kooban soconaya oo u dhaxeeya hoggaamiyeyaasha dalalka Islaamka iyo kuwa Carabta, waxaana looga hadli doonaa arimaha xasaasiga ah ee kasoo korortay gobolka.
Sida qorshuhu yahay madaxda dalalka Carbeed iyo kuwa waddamada Islaamka ayaa go’aan ka gaari doono weerarkii Israel ee Doxa todobaad ka hor ku qaaday kaas oo loo arko gar darro cad, waxaana la fiayaa in marka hore ay si wadajir ah u cambaareeyaan xadgudubka Israel, islamarkaana ay bayaan wadar ah uu kasoo baxo.
Sidoo kale waxa ay soo saari doonaa go’aanno ku aadan sidii loo qaadi lahaa tallaabooyin is difaac ah oo ku aadan, haddii ay Israel ku socoto waddada dagaalka ee ay qaaday.
Dowladda Soomaaliya waxaa shirkan ku metalaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar, si uu uga qayb-galo shirka maanta ka dhacaya magaaladaais
Weerarka Israel oo lagu beegsatay madax sare oo ka tirsan ururka dhaq-dhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa imanaya kadib markii Trump uu digniin u diray kooxda wada-xaajoodka ee Xamaas, xilli uu ku riixayay xabbad-joojin cusub.
Mareykanka ayaa si isdaba joog ah ugu eedeeyay Xamaas inay carqaladeyneyso wada-xaajoodyada. Dhanka kale, Israel ayaa lagu eedeeyay inay dhowr jeer hakisay wada-hadallada.
Dowladda Somaaliya ayaa kal hore si kulul u cambaareysay weerarkii diyaaradaha dagaalka ee Israel ay ka fulisay xaafado dadku dagaan ee magaalada Doxa ee dalka Qatar, kaasoo ay ka dhalatay xiisad adag iyo falcelin dadaka carabta iyo guud ahaan dowladaha islaamka.