Laascaanood – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in maamulka SSC-Khaatumo uu yahay mid rasmi ah, isla markaana uu la mid yahay maamul-goboleedyada kale ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, oo ka hadlay madal soo dhaweyn ah oo habeenimadii Axadda lagu qabtay magaalada Laascaanood, ayaa si cad u sheegay in SSC-Khaatumo uu yahay maamul Soomaaliyeed oo hoos yimaada dowladda dhexe.
“Waxaan cod dheer ku sheegayaa in SSC-Khaatumo ay tahay deegaan iyo maamul Soomaaliyeed oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, mana aha meel lagu muransan yahay,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Xamse oo hadalkiisa si toos ah uga dhawaajiyay Laascaanood.
Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu si adag uga horyimid sheegashooyinka ay Puntland iyo Somaliland ku leeyihiin deegaanka SSC, isagoo carrabka ku adkeeyay in dhulkaasi aanu ahayn mid muran ka taagan yahay, balse uu si buuxda uga tirsan yahay dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Xamse Cabdi Barre ayaa si gaar ah u tilmaamay in hoggaankii hore ee dalka, oo uu ugu horeeyo Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ay ka caga-jiideen aqoonsiga maamulka SSC-Khaatumo, halka isagu uu go’aansaday in si rasmi ah loo aqoonsado.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid guul weyn u ah SSC-Khaatumo, iyadoo Ra’iisal Wasaaruhu sheegay in maamulkaasi uu qeyb ka noqon doono qorsheyaasha horumarineed ee dowladda dhexe, isla markaana uu heli doono taageero dhaqaale iyo mid dhismeed oo ka timaadda xukuumadda Federaalka.
Maalintii Axadda, Ra’iisal Wasaare Xamse ayaa si rasmi ah dhagax-dhigay mashaariic horumarineed oo laga hirgelinayo magaalada Laascaanood, kuwaas oo isugu jira dhismayaal dowladeed, xarumo booliis iyo kuwo waxbarasho.
Inkasta oo aqoonsiga dowladda dhexe si weyn loogu soo dhaweeyay deegaanka, haddana waxa jira dood laga muujinayo in SSC-Khaatumo ay buuxisay shuruudihii dhismaha maamul-goboleed rasmi ah. Qaar ka mid ah dadka siyaasadda falanqeeya ayaa qaba in tallaabadan ay horseedi karto kala-daadasho ku timaadda maamuladii hore u jiray.
Dhinaca kale, Somaliland oo sannadkii 2023 lumisay gacan-ku-hayntii Laascaanood, haddana wali ku andacoonaysa in magaaladaasi iyo guud ahaan SSC ay qayb ka yihiin dhulkeeda, ayaa socdaalka Ra’iisal Wasaaraha ku tilmaantay “faragelin qaawan” oo ka dhan ah madaxbannaanideeda.
Dhacdadan ayaa la filayaa inay yeelato saameyn siyaasadeed iyo mid amni oo gobolka ah, iyadoo la eegayo sida ay u wajahaan arrintan maamulka Somaliland, Puntland, iyo beesha caalamka.