Dowladda Somaliya oo Sheegtay inay Dishay Xubin Sare Oo Al-Shabab ka Tirsan.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA)  ayaa lagu sheegay in hey’adda iyo Saaxiibada caalamka oo is kaashanaayo ay si wada jir ah u fuliyeen howlgal qorsheysan kaasoo ka dhacay deegaanka Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose ee koonfurta Somaliya, waxaana weerarka lagu dilay xbin sare oo ka tirsanaa dagaal yahanada Al-Shabaab.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabaa Maxamed Cabdi Dhiblaawe Afrax, iyadoo sidoo kale uu lahaa magacyada afgarashada ee (Khaalid Dheere, Khaalid Dacas, Macallin Siciid, Timo-jilac iyo Maxamed Sahal).

 Xubintan sare ee la dilay ayaa sida NISA ay sheegtay ahaa maskaxdii ka dambaysay qaraxii ka dhacay Isgoyska Ceel-gaabta kaas oo lagu weeraray kolonyada Madaxweynaha Somaliya, 18-kii Maarso 2025, waxaana bayaanka lagu shegay in lasoo afjaray howlgal si guul ah kaasoo bartilmaameedkiis  ahaa oo lagu beegsaday Gaari Noah ah oo ay saarnaayeen xubinta sare ee Al-Shabaab iyo xubno kale ee la socday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *