Dowladda FS oo la dagaalamaysa kalluumaysiga sharci darrada ah

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa maanta shir muhiim ah la yeeshay madaxda iyo saraakiisha Xarunta La Socodka iyo Ilaalinta Kalluumeysiga (FMC), si uu uga warqaato xaaladda guud ee kalluumeysiga dalka iyo ilaalinta badda Soomaaliyeed.

Shirkan oo ka dhacay xarunta FMC ee wasaaradda ayaa diiradda lagu saaray xaaladda maraakiibta ku sugan biyaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa haysta ruqsadaha kalluumeysi iyo kuwa si sharci darro ah uga ganacsada kheyraadka badda. Wasiir Axmed Xasan Aadan ayaa ku amray mas’uuliyiinta xarunta FMC in ay si degdeg ah u soo saaraan warbixin faahfaahsan oo lagu ogaanayo tirada iyo xogta maraakiibta sharciga darro ku jooga biyaha dalka.

Intaa kadib, Wasiirka ayaa dhageystay warbixin ay soo bandhigeen Agaasimaha Waaxda Deegaanka iyo saraakiil kale oo ka tirsan wasaaradda, kuwaas oo uga warbixiyay dhibaatooyin culus oo ka dhashay qashin la shubo xeebaha, gaar ahaan booyado waaweyn oo wasakh ah lagu daadiyo xeebta Lido ee magaalada Muqdisho. Arrintan ayaa la sheegay inay saameyn xun ku leedahay caafimaadka dadweynaha iyo fayo-dhowrka deegaanka.

Wasiir Axmed Xasan Aadan ayaa si adag u cambaareeyay ficiladaasi, wuxuuna faray in si dhaqso ah loo qaado tallaabooyin sharci ah oo lagaga hortagayo wasakheynta xeebaha. Wuxuu sidoo kale ku dhiirrigeliyay waaxda deegaanka in ay xoojiyaan kormeerka iyo wacyigelinta si loo ilaaliyo badda iyo badqabka bulshada.

Wasiirku wuxuu caddeeyay in wasaaradda ay ka go’an tahay ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah ee badda Soomaaliya, iyadoo lagu shaqeynayo sharci iyo nidaam hufan. Wuxuu xusay in loo baahan yahay in dhammaan shirkadaha iyo hay’adaha ka howlgala badda ay si waafaqsan sharciga ugu shaqeeyaan, si loo dhowro hantida qaranka iyo deegaanka badda oo ah mid ka mid ah tiirarka dhaqaalaha Soomaaliya.

Shirka ayaa muujiyay sida ay muhiim u tahay isku duubnaanta hay’adaha dowladda iyo shacabka si loo ilaaliyo kheyraadka badda iyo badbaadinta deegaankeena.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *