Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay warar been abuur ah oo si baahsan loogu faafiyay baraha bulshada, kuwaas oo lagu sheegayey in weerarro hoobiyayaal ah oo dhowaan ka dhacay Muqdisho lagu bartilmaameedsaday xarunta Xalane iyo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada. Wararkaasi ayaa lagu tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana loogu talagalay in lagu abuuro cabsi iyo qalqal amni.
Wararka been abuurka ah, oo ay faafiyeen warbaahinta taageerta kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab iyo shaqsiyaad aan xaqiijin macluumaadka ay la wadaagayaan bulshada, ayaa si khaldan u sheegay in weerarkaasi sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray dad ajanabi ah. Dowladda ayaa xaqiijisay in aysan jirin wax weerar toos ah oo lagu beegsaday xarunta Xalane ama garoonka Muqdisho.
Kooxda Khawaarijta Al-Shabaab ayaa weerarro aan bartilmaameed laheyn oo hoobiyayaal ah ka fulisay qaybo ka mid ah Muqdisho, kuwaas oo si dhuumaaleysi ah loo soo tuuray, taasoo inta badan keenta khasaare dadka rayidka ah gaaraya. Weeraradan ayaa marar badan dhibaato u geystay dad aan waxba galabsan, oo ay ka mid yihiin carruur u socotay dugsi Qur’aan, kuwaas oo ku naf waayay ama ku dhaawacmay dhacdooyin hore.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si dhow ula socotaa shaqsiyaadka ku lugta leh faafinta wararka been abuurka ah iyo kuwa u adeega dacaayadaha Khawaarijta – si toos ah ama si dadban. Dowladda waxay uga digeysaa dhammaan dadka ku hawlan falalkan in ay joojiyaan wax kasta oo qalqal ku keeni kara amniga guud, iyadoo ballanqaadday in ay qaadi doonto tallaabooyin adag oo waafaqsan sharciga dalka.
