Dowladda Aljeeriya oo Badbaadisay Tahriibeyaal Soomaaliyeed Doon kula Degtay Badda Aljeeriya

Aljeers – Dowladda Jamhuuriyadda Aljeeriya ayaa badbaadisay 23 muwaadin Soomaaliyeed oo tahriib ahaa, kuwaas oo doontii ay la socdeen kula xumaatay biyaha badda Aljeeriya, meel ku dhow 80 kiiloomitir u jirta caasimadda Aljeers. Wararka ayaa lagu xaqiijiyey in dadkan ay isugu jiraan rag iyo haween.

Sida uu warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya, Mudane Yuusuf Axmed Xasan (Jeego), hawlgalkan gurmadka ah ayaa lagu guuleystay kadib wada-shaqeyn dhow oo dhex martay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo dowladda Aljeeriya.

“Dadkaasi waxay la soo xiriireen ehelkooda, iyaguna waxay xogta noo soo gudbiyeen. Waxaan markiiba la wadaagnay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, taasoo si degdeg ah ula xiriirtay dowladda Aljeeriya. Sidaas ayaan aniguna uga hawlgalay, annagoo si dhow ula shaqeyneyna Wasaaraddeenna,” ayuu yiri Safiir Jeego.

Muwaadiniinta la badbaadiyey ayaa haatan lagu dabiibayaa xarumo caafimaad oo ku yaalla dalka Aljeeriya, iyadoo la xaqiijiyey in xaaladooda caafimaad ay tahay mid la tacaal lagu hayo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan qaaday tallaabooyin lagu xoojinayo la-dagaallanka tahriibka, iyadoo la soo saaray awaamiir cusub oo ka dhan ah tahriibta, taasoo ujeedadeedu tahay in la yareeyo halista iyo khasaaraha ka dhasha socdaallada sharci-darrada ah ee badaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *