Dowlada Somalia oo ka Qeybgashay Shirka Wasiirada Carabta

Qaahira, Masar – Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cumar Maxamed, ayaa ka qayb galay kalfadhiga 4-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee mas’uulka ka ah saadaasha hawada iyo cimilada, kaas oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira.

Shirkan heerka sare ah ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya wadamada Carabta si si mideysan loogu wajaho caqabadaha sii kordhaya ee la xiriira isbeddelka cimilada, abaaraha, fatahaadaha, iyo masiibooyinka dabiiciga ah ee saameynta ku yeeshay dalal badan oo Carbeed.

Wasiir Axmed Cumar Maxamed oo madasha ka jeediyay khudbad qoto dheer ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in wadamada Carabta ay si wadajir ah u horumariyaan nidaamyada saadaasha hawada, isla markaana ay si furan u wadaagaan xogaha cimilada. Wuxuu xusay in isdhaafsiga xogahaasi ay si weyn uga qeyb qaadan karto badbaadinta nolosha iyo hantida bulshada, gaar ahaan marka laga hortagayo masiibooyinka dabiiciga ah.

“Xog wadaagga saadaasha cimilada waa mid laf-dhabar u ah qorsheynta, wax-ka-qabashada iyo yareynta saameynta ay masiibooyinku ku yeeshaan dadkeena. Wadamadeennu waa in ay isku xirmaan, si loo helo difaac adag oo cimilada la xiriira,” ayuu yiri Wasiir Axmed.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada is-daba joogga ah ee dalalka Carabta ay ku doonayaan inay ku horumariyaan la-tashiga iyo iskaashiga la xiriira arrimaha deegaanka iyo saadaasha hawada, iyadoo Soomaaliya ay muujisay sida ay uga go’an tahay inay door firfircoon ka qaadato ajendaha cimilada ee gobolka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *