Ka dib dagaal aad u xoogan oo dhex maray ciidamada Dowlad Goboleedka Puntland iyo dagaalyahanada Daacish ayaa wararku waxay sheegayaan in halkaa lagu dilay in ka badan labaatan dagaalyahan oo ka tirsan Daacish oo ay ku jiraan dagaalyahano ajaanib ah.
Ciidamada Puntland, oo maalmahan waday duullaan qorsheysan oo ka dhan ah Daacish, ayaa la wareegay dhowr fariisin oo ay kooxdaasi ku sugnaayeen.
Afhayeenka ciidamada Dowlada Goboleedka Puntland oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ay dileen 20 dagaalyahan oo ajaanib ah oo ay ku jiraan cadaan iyo kuwa u dhashay dalkaasi Itoobiya.
Sawirro iyo muuqaallo lasoo dhigay barta Telegramka ee howlgalka ciidanka Puntland, ayaa lagu arkayaa maydadka Dagaalamayaasha Daacish.
Sidoo kale, ciidamada ayaa sheegay inay qabsadeen ugu yaraan afar saldhig oo muhiim ah oo ay kooxda Daacish ka howlgalaysay.
Dagaalkaas culus ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray ciidamada Puntland, inkastoo tirakoob rasmi ah aan weli la shaacin.
Howlgalkan, oo ah midkii ugu xooganaa ee Soomaaliya looga fuliyo ee ka dhan ah Daacish, ayaa lagu soo warramayaa in ciidamada Puntland ay boqolaal kiiloomitir gudaha ugu galeen deegaanada ay kooxdaasi ku sugnaayeen.