Diyaaradaha Mareykanka oo duqeeyey meelo ka mida Puntland

Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka ayaa duqeyn circa ah ka fuliyey buuraha Golis, gaar ahaan Calmiskaad, taasi oo uu la beegsaday kooxda ISIS, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM).

Warkan ka soo baxay AFRICOM ayuu ku xaqiijiyay in duqeymahani oo ka dhacday togga Baallade oo ka tirsan buuraha Golis, gaar ahaanna Calmiskaad, islamarkaana dhinaca Koonfur Bari ka xiga magaalada Boosaaso, halkaasi oo ay weli la aaminsan yahay inay ku dhuumaaleesanayaan kooxo ka tirsan dagaalyahanadda ISIS,.

Si kasta, Taliska AFRICOM wax faahfaahin ah kama bixin haddii uu jiro khasaare gaaray kooxda ISIS ee bartilmaameedka duqeyntaasi ahaa, waxaase uu ballan-qaaday in uu sii wadi soono tallaabooyinka lagu wiiqayo awoodda kooxdaasi u yeelan karto in ay khatar geliso Amniga Maraykanka, Ciidamadiisa iyo muwaadiniintooda ku sugan dibadd.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *