Deni Iyo Axmed Madoobe oo Ku Kulmaya Nairobi

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni iyo Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe oo ku wada sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa lagu wadaa in ay halkaasi ku yeeshaan Kulan gaar ah, sida ay sheegayaan wararka laga helayo dalkasi kenya.

Kulankan aysan cidna ku wehelin labada hogaamiye ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee ay ku yeshaan magalada Nairobi, waxaana kaga hadli doonaan marxaladda taagan ee dalka, gaar ahaan khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya Madaxweyne Xasan Shiikh iyo dadaallada socda ee lagu doonayo xallinta murankaasi.

Labada Madaxweyne ee Deni iyo Axmed Madoobe ayaa dhawaan ka soo laabtay waddanka Imaaraadka Carabta, oo ay si wadajir ah ugu la soo kulmeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda UAE oo dhex-dhexaadinayay khilaafkii siyaasadeed ee labadan hoggaamiye iyo Villa Somalia.

Tallaabadan ayaa imaanaysa wakhti uu soo baxayo war sheegaya in horu-socod laga sameeyay dadaallo ku aaddan in la isu soo dhaweeyo Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Madaxweyne Axmed Madoobe, islamarkaana la isku dayayo in ay Kulan toosa yeeshaan, si loo dhammeeyo Khilaafkooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *