Degmada Balcad oo lagu qabtay doorashada Guddoomiyaha iyo ku xigeennadiisa iyadoo muran ka dhashay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamulka Hirshabeelle ayaa maanta si rasmi ah magaalada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ugu qabatay doorashada Guddoomiyaha degmada iyo labadiisa ku xigeen.

Doorashada ayaa waxaa ka qayb galay xildhibaanada Golaha deegaanka degmada Balcad, kuwaas oo cod aqlabiyad leh ugu doortay Qaasim Cali Nuur inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee degmada Balcad. Sidoo kale, Ismaaciil Barre Nuur ayaa loo doortay guddoomiye ku xigeenka koowaad, halka Axmed Maxamed Cabdullaahi uu noqday guddoomiye ku xigeenka labaad ee degmada.

Munaasabadda doorashada ayaa waxaa goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Hirshabeelle, kuwaas oo uu ugu horreeyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabeelle, Cabdi Daahir Guure Karoore. Wasiirka ayaa u hambalyeeyay xubnaha la doortay, waxaana uu uga mahadceliyay shacabka degmada Balcad kaalintii ay ka qaateen dhismaha Golaha deegaanka.

Wasiir Karoore ayaa sidoo kale ku tilmaamay doorashadan mid muhiim ah oo ka tarjumeysa horumarka nidaamka dowlad deegaanka ee maamulka Hirshabeelle, isaga oo xusay in la joogto tirayo hannaan dimuqraadi ah oo lagu dhisayo hoggaan hoos yimaada rabitaanka shacabka.

Si kastaba ha ahaatee, doorashadan ayaa waxaa muran xooggan ka dhaliyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Cali (Cali Balcad), oo si adag uga horyimid qaabka ay ku dhacday doorashadu. Cali Balcad ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Guudlaawe inuu jebiyay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhigayay in doorashooyin toos ah laga hirgeliyo dalka, isla markaana aan si gaar ah looga qaban karin doorasho hal deegaan ah iyadoo aanay jirin is-afgarad guud.

Muranka ka dhashay doorashadan ayaa kusoo beegmaya xilli dalka uu wajahayo dood siyaasadeed oo la xiriirta habraaca doorashooyinka iyo hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee heer dowlad goboleed iyo mid federaal.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *