Darawiishta Koonfur Galbeed iyo Ciidanka Dowlada oo dilay 35 Dagaalyahan oo al-Shabaab ah

Baydhabo, Soomaaliya – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay dileen in ka badan 35 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Baay Burjeed, oo qiyaastii 15km waqooyi kaga beegan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Howlgalka ayaa la fuliyay kadib markii la helay xog sirdoon oo muujinaysay in kooxdaasi ay wadeen abaabul dagaal, iyadoo si gaar ah loo beegsaday unug ka tirsan Al-Shabaab oo ay hoggaaminayeen xubno sare. Saraakiisha milateriga ayaa xaqiijiyay in la dilay taliyayaal muhiim ah oo kamid ahaa kooxda, waxaana ku jiray sarkaal ajnabi ah oo la rumeysan yahay inuu hoggaaminayay howlgalka ay qorsheynayeen.

Wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in ugu yaraan 60 xubnood oo kale ay ku dhaawacmeen iska horimaadka, halka la helay meydadka 18 xubnood, oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaal sar-sare. Ciidamada ayaa wali sii wada baaritaanno iyo howlgallo lagu raadinayo xubno kale oo la tuhunsan yahay inay ka baxsadeen goobta.

Mas’uuliyiinta dowladda iyo taliska ciidamada ayaa ku tilmaamay howlgalka mid guul weyn ah, oo dhabar-jab lixaad leh ku ah Al-Shabaab. Waxay sidoo kale xuseen doorka lama illaawaanka ah ee shacabka deegaanka ay ka qaateen sidii uu u hirgali lahaa howlgalka, iyagoo la wadaagay xog muhiim ah oo horseeday natiijadan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *