Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Mudane Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa kulan heer sare ah kula yeeshay magaalada Kisumu ee galbeedka Kenya Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaas ku dhaqan. Danjiraha waxaa kulanka ku wehliyay Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya, Mudane Cabdullaahi Siyaat, iyo u Qaybsanaha Arrimaha Ciidanka, Sareeye Gaas Maxamed Bariise.
Kulanka oo ahaa mid si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa diiradda lagu saaray wadatashi ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka Jaaliyadda iyo Safaaradda, iyo sidii loo fududeyn lahaa adeegyada ay u baahan yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolkaas.
Magaalada Kisumu oo ah xarunta gobolka Ismaamulka Kisumu, sidoo kalena ah magaalada saddexaad ee ugu weyn dalka Kenya, waxaa degan Soomaali muddo ka badan boqol sano halkaas ku noolaa. Inkasta oo dadka Soomaaliyeed ee ugu badan ay magaaladaasi yimaadeen horaantii 1990-meeyadii, haddana waxay magaalada ku leeyihiin ganacsi ballaaran, oo ay ugu horreeyaan suuq ay dhiseen sannadkii 1996, iyo in ka badan 30 kaalin shidaal ah oo ka shaqeeya gudaha Kisumu iyo hareeraheeda.
Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada ayaa lagu yaqaanaa dadaalkooda iyo xushmadda ay ku dhex leeyihiin bulshada deegaanka, iyagoo shaqaaleysiiyay kumannaan Kenyan ah. Waxaa sidoo kale Jaaliyaddu si firfircoon uga qayb qaadata horumarka dhaqaale ee gobolka, iyada oo ganacsigeedu si gaar ah uga faa’iideeyo Kisumu iyo gobollada ku dhow.
Guddoomiyaha Jaaliyadda, Mudane Maxamuud Maxamed Hiish, oo ka hadlay kulanka ayaa xusay in ay tahay markii ugu horreysay oo mas’uul sare oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya uu booqasho rasmi ah ku yimaado magaalada Kisumu si uu ula kulmo Jaaliyadda. Sidoo kale, Xildhibaan Farxiya Ciid, oo ka tirsan Golaha Deegaanka Kisumu, ayaa bogaadisay midnimada iyo wada-shaqeynta ka dhexeysa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada, iyadoo si gaar ah u amaantay hogaanka Jaaliyadda.
Ganacsade Yuusuf Cabdi Madaale, oo ka mid ah aasaasayaashii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kisumu, ayaa isna jeediyay khudbad soo dhoweyn iyo dardaaran isugu jirta, isaga oo muujiyay sida Jaaliyaddu ugu faraxsan tahay booqashada danjiraha.
Intii uu socday kulanka, Jaaliyaddu waxay la wadaagtay Danjire Jibriil walaaca ay ka qabaan xaaladda tahriibayaasha Soomaaliyeed ee ka soo gudba xadka Uganda iyo Kenya iyagoo aan haysan dukumeenti aqoonsi ama fiiso, taasoo mararka qaar keenta in ay muddo dheer ku raagaan xabsiyada Kenya. Danjiraha ayaa ballan qaaday in arrintan uu kala hadli doono mas’uuliyiinta gobolka iyo dowladda dhexe ee Kenya si xal waara loogu helo.
Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa sidoo kale Jaaliyadda siiyay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay iyo xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya. Waxaa kulanka laga soo saaray go’aan lagu xoojinayo wada shaqeynta Safaaradda iyo Jaaliyadda si si mideysan loogu adeego danta guud ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.
“Runtii sharaf weyn ayaad ku leedihiin gobolkan, waana mid aad kasbateen. Safaaraddu diyaar ayay idiinla tahay inay idin garab istaagto wixii aad u baahataan,” ayuu yiri Danjire Jibriil, isaga oo muujiyay sida Safaaraddu ugu heelan tahay taageeridda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kisumu.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday jawi isfaham iyo dhiirrigelin leh, iyadoo la is afgartay in la xoojiyo xiriirka joogtada ah ee u dhexeeya Safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolkaas.