Danjiraha Soomaaliya oo u gudbisay warqadaha aqoonsiga Madaxweynaha Mongolia

Ulaanbaatar – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Shiinaha, isla markaana ah Danjiraha aan Deganaansho ku lahayn ee Mongolia (Non-Resident Ambassador), Marwo Hodan Osman Abdi, ayaa maanta si rasmi ah warqadaha aqoonsiga ugu gudbisay Madaxweynaha Mongolia, Mudane Khürelsükh Ukhnaa, xaflad si heer sare ah loogu qabtay xarunta Madaxtooyada dalkaasi.

Xafladdaasi ayaa ahayd mid si rasmi ah u calaamadinaysa dib u soo nooleynta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Mongolia, xiriir taariikhi ah oo markii ugu horreysay la aasaasay 28-kii Febraayo, 1971. Markale calanka Soomaaliya oo si sharaf leh looga taagay magaalada caasimadda ah ee Ulaanbaatar ayaa noqonaya astaan cad oo muujinaysa bilow cusub oo ku saleysan iskaashi qoto dheer, dan wadaag iyo horumar waara.

Mongolia ayaa lagu tilmaamaa dal dhaqaalihiisu si degdeg ah u korayo, una guuleystay dib-u-habeyn ballaaran oo la xiriirta maaraynta kheyraadkeeda dabiiciga ah, gaar ahaan macdanta. Isla markaana, waxay door firfircoon ka ciyaartaa madalaha caalamiga ah, taasoo fursad muhiim ah u ah Soomaaliya si ay u xoojiso xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga heerka caalami.

Intii uu socday kulanka Danjire Hodan Osman Abdi iyo Madaxweyne Khürelsükh Ukhnaa, waxaa si qoto dheer looga hadlay fursadaha iskaashi ee labada dal, iyadoo xoogga la saaray meelaha mudnaanta leh sida ganacsiga, maalgashiga, waxbarashada, caafimaadka, iyo mashaariicda horumarineed ee labada dhinac ka wada faa’iideysan karaan.

Danjiraha Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dowladda Mongolia soo dhoweynta diirran iyo sida ay uga go’an tahay in la hormariyo xiriirka laba geesoodka ah, iyadoo la isla meel dhigay baahida loo qabo in la sii xoojiyo wadashaqeynta siyaasadeed iyo midda horumarineed, si loo abuuro xiriir miro-dhal ah oo waara.

Tallaabadan diblomaasiyadeed ee lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Mongolia ayaa ah mid muujinaysa dadaalka dowladda Federaalka ee ku aaddan in la furo wadiiqooyin cusub oo iskaashi iyo saaxiibtinimo caalami ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *