Danjiraha Soomaaliya ee Uganda oo la kulantay agaasimaha hay’adda socdaalka dalkaas

Kampala – Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Uganda, Marwo Fardowsa Maxamed Qanyare, ayaa kulan muhiim ah xafiiskeeda kula yeelatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Dowladda Uganda, Gen. Apollo Kasiita-Gowa.

Kulanka ayaa xooga lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal ee dhanka socdaalka, fududeynta is-dhexgalka bulshooyinka Soomaaliyeed iyo Ugandheyska, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa fursadaha sharciyeysan ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Uganda.

Danjire Fardowsa ayaa Agaasimaha uga warramtay cabashooyin ka yimid qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Uganda, kuwaas oo intooda badan ay la daalaa dhacayaan dhibaatooyin la xiriira helitaanka sharciyo rasmi ah oo ay dalka ugu joogaan si nabad ah oo sharci ah.

Sidoo kale, Safiir Fardowsa ayaa xustay muhiimadda ay leedahay in muwaadiniinta Soomaaliyeed loola dhaqmo sida kuwa kale ee kasoo jeeda dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka Bariga Afrika (EAC), maadaama Soomaaliya ay si rasmi ah uga mid tahay ururkaasi. Waxay si gaar ah ugu baaqday in ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Uganda loo simo fursadaha waxbarasho iyo adeegyada kale ee ay helaan ardayda kale ee EAC.

Dhankiisa, Gen. Apollo Kasiita-Gowa ayaa uga mahadceliyay Safiirka wada-hadallada muhiimka ah iyo soo gudbinta cabashooyinka bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu ballan qaaday in Hay’adda Socdaalka Uganda ay si dhow ula shaqeyn doonto Wasaaradda Arrimaha Urur Goboleedka Bariga Afrika si xal waara looga gaaro arrimaha la xusay.

Kulankan ayaa muujinaya dadaalka joogtada ah ee Safaaradda Soomaaliya ay ugu jirto difaaca xuquuqda iyo danaha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Uganda, iyadoo la adeegsanayo wada-xaajood diblomaasiyadeed iyo xiriir toos ah oo lala yeesho hey’adaha dowladda Uganda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *