DANJIRAHA SOOMAALIYA EE ETHIOPIA OO ADDIS ABABA UGA QEYB GALAY SHIR MUHIIM AH

Addis Ababa, Itoobiya – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Itoobiya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika, Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa, ayaa ka qayb galay kalfadhigii 24-aad ee aan caadiga ahayn ee Guddiga Fulinta iyo Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Midowga Afrika, oo ka dhacay xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa.

Kalfadhigan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray dar-dargelinta howlaha horyaalla Midowga Afrika, gaar ahaan dhameystirka iyo fududeynta doorashooyinka xubnaha ka tirsan hay’adaha muhiimka ah ee ururka.

Intii lagu guda jiray fadhigan, waxaa la doortay saddex xubnood oo cusub kuwaas oo ku biiray:

  • Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC)
  • Guddiga Sharciga Caalamiga ah ee Midowga Afrika (AUCIL)
  • Golaha Sare ee Arrimaha Satellite-ka Afrika (AfSC)

Doorashooyinka kuraasta kale ee harsan ayaa loo qorsheeyay in dib loogu doorto kalfadhiga xiga ee dhici doona bisha July 2025.

Danjire Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa metelayay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo kulankaasi kaga qayb qaatay doodo muhiim ah oo la xiriira hagaajinta nidaamka fulinta Midowga Afrika iyo kor u qaadidda doorka dalalka xubnaha ka ah, si loo horumariyo iskaashiga iyo nabadda qaaradda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *