Dalalka Soomaaliya iyo Tanzaaniya oo heshiisyo ku kala sexiixday Muqdisho

Munaasabd uu gudoominayay Raysal Wasaare ku xigeenka koobaad Mudane Saalax Axmed Jaamac oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, caasimada dalka Soomaaliya maanta, 19 December 2024. Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaam ayaa kala saxiixday shan heshiis oo muhiim u ah labada dal.

Heshiisyadan ayaa ahaa kuwa is af garad ah oo loo yaqaan Memorandum of Understanding [MOU], munaasabadan ayaa ah mid muujineeysa xiriirka taariikhiga ah ee qotoda dheer oo u dhaxeeya labada dal.

Heshiisyadan oo taabanayay dhinacyo badan ayaa ahaa ku salaysnaa dhanka caafimaadka, arimaha dibada, horumarinta dalxiiska, wabarashada, iyo arimaha difaaca kaasoo labada iyo gobolkaba muhiim u ah.

Heshiisyadan ayaa imanaya ayadoo ay Muqdisho soo gaareen wufuud heer wasiiro ah oo ka socda dalka Tanzania kuwaasoo ay hogaamineysay Wasiirka qeyraadka iyo dalxiiska ee dalkaasi Tansaaniya [Tanzania] Ms Pindi Chana.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *