Dagaal Xoogan oo ka socda Degmada Luuq ee Gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal xoog leh uu ka dhex qarxay maleeshiyaad ka soo kala jeedda laba beelood oo wada dega Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ee Dowlad Goboleedka Jubbaland sida aanu ka soo xiganay dadka degaanka.

Wararka waxa ay intaa ku darayaan in Hub culus iyo kuwa fududba ay isku adeegsanayaan labada maleeshiyo beeleed ee ku dagaalamaya Degmada Luuq, dadka degaanka ayaa sheegaya in ay ku waabariisteen rasaasta culus ee ay labada dhinac isku adeegsanayaan.


weli kama aysan  hadlin maamulka Degmada Luuq dagaaladda labada beelood ku dhex maray magaladaasi.

Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa todobaadyo ka hor waxa uu sheegay inuu miiska wada hadalka iskugu keenay beelaha walaalaha ah ee dirirtu u dhaxeeyso si loo gaaro heshiis waara oo aan dib dambe aan dagaalka loogu laaban.
 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *