Dagaal Beeleed ka socdo Gobolka Gedo

Luuq– xiisad colaadeed ayaa laga soo sheegayaa in ay halkaasi ka jirto gaar ahaan deegaanada hoostaga degmada Luuq, halkaas oo shalay uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed oo deegaanka wada dega.

 Dagaalkan ayaa ka dhacay deegaano u dhexeeya degmada Luuq iyo deegaanka Yurkud, wuxuuna ahaa mid si xooggan la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in dagaalkaas ay ku dhinteen in ka badan 4 qof, halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in dagaalka uu si iskood ah u istaagay balse wali ay jirto cabsi dagaal kale oo dhaca, maadaama maleeshiyaadka labada dhinac ay weli is horfadhiyaan iyaga oo hub uruursanaya.

Degaanka Luuq iyo nawaaxigiisa ayaa dhowr jeer oo hore marti u noqday dagaalo beeleed, kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed oo baaxad leh.

Beelaha shalay dagaalamay ayaa la sheegay in ay horey u dhexmareen dagaalo kale oo keentay khasaare isdaba joog ah, taas oo muujinaysa baahida degdegga ah ee loo qabo xal waara.

Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland weli kama aysan hadlin dagaalkan ugu dambeeyay, hase yeeshee shacabka ayaa dalbanaya in la soo farageliyo si loo joojiyo colaadaha soo noqnoqda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *