Garoowe – Kumannaan kamid ah shacabka magaalada Garoowe, caasimadda Puntland, ayaa xalay si ballaaran ugu banaanbaxay fagaaraha weyn ee jidka 30-ka, iyaga oo muujinayay taageero buuxda oo ay u hayaan guusha ciidamada difaaca Puntland kasoo hooyeen hawlgalka ka dhanka ah kooxda Daacish.
Isu soo baxa oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa lagu ammaanay guulaha la taaban karo ee laga gaaray dagaalkii ugu dambeeyay ee lagula galay kooxaha argagixisada ee ku dhuumaalaysanayay deegaannada buuraleyda ah. Dadweynaha isu soo baxay ayaa si gaar ah u bogaadiyay howlgalkii lagu xoreeyay Taliskii Miraale iyo deegaanka Baalade Sare, halkaas oo muddo ka badan toban sano ay Daacish ka samaysatay difaacyo culus.
Mas’uuliyiinta dowladda Puntland ee ka hadlay madasha ayaa tilmaamay in hawlgalka Miraale iyo kan Calmiskaad uu ahaa mid si xeeladaysan loo fuliyay, isla markaana horseeday in laga ciribtiro kooxihii khatarta ku ahaa amniga gobolka. Waxay xuseen in guushan ay tahay mid muhiim u ah xasilloonida Puntland iyo la dagaallanka kooxaha xagjirka ah ee carqaladeeya nolosha shacabka.
Isu soo baxa ayaa muujiyay midnimo qaran iyo kalgacal shacabka reer Puntland u hayaan ciidamadooda, iyadoo sidoo kale lagu baaqay in la sii xoojiyo taageerada loo fidinayo ciidamada si ay u gaaraan guulo kale oo amniga iyo nabadda horseeda.
Guusha ciidamada Puntland ee ka dhanka ah kooxda Daacish ayaa loo arkaa mid muhiim u ah xoreynta guud ahaan deegaannada buuraleyda ah ee Puntland, halkaas oo ay argagixisadu muddo dheer ka wadeen dhaqdhaqaaqyo halis ku ah shacabka. Maamulka Puntland ayaa horay u ballan qaaday in uu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah, iyadoo la adeegsanayo qorshayaal istaraatiiji ah oo ku saleysan iskaashi ciidan iyo mid shacabka.
