Dab ka kacay baarlamaanka HirShabelle ee Magaalada Jowhar

Wararka ay heleyso shabakadda wararka ee Wargeyska Media Network ayaa xaqiijinya in goordhow dab xoogan uu ka kacay xarunta Baarlamaanka Maamul Goboleedka Hirshabeelle ee magaalada Jowhar. Dabka ayaa sida la xaqiijiyay si xowli ah ugu fidaya qeybaha kala duwan ee dhismaha Baarlamaanka, waxaana uu haatan kusii sii fidayaa guryaha ku dhow xarunta.

Goobjoogayaal ku sugan meesha uu dabku ka kacay ayaa u sheegay goobjoog.com in aan ilaa iyo hadda la arkin wax gaadiid dab-damis ah oo goobta gaaray, taas oo cabsi weyn ku abuurtay dadka deegaanka.

Waxaa sidoo kale jirta baqdin laga qabo in dabku uu saameeyo dhismayaal kale oo muhiim ah oo ku dhow xarunta.

Wali lama oga waxa sababay dabkan, mana jiraan warar rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Hirshabeelle ama laamaha amaanka ee gobolka.

Dadka deegaanka ayaa codsanaya gurmad degdeg ah si loo xakameeyo fiditaanka dabka oo laga cabsi qabo in uu sababo khasaare baaxad leh.

Waxii faahfaahin ah ee kusoo kordha warkan kala soco wararkeena dambe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *