Ciidamada geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Difaaca Deegaanka ayaa si wadajir ah u fuliyay howlgal qorsheysan oo miro dhalay, kaas oo ka dhacay deegaanka Ceelka-Nuurgadoow oo hoostaga degmada Al-Koowsar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalkaan oo si xeeladaysan loo fuliyay ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda argagixisada Khawaarijta, kuwaas oo deegaankaasi u yimi si ay biyo uga helaan ceelka ku yaalla halkaasi.
Maleeshiyaadka Khawaarijta oo ay haystay xaalad harraad daran ayaa wajahday jawaab ciidan oo xooggan, taas oo uga timid ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka. Waxaa halkaasi lagu baray cashar lama ilaawaan ah, taas oo calaamad u noqotay adkaysiga iyo feejignaanta ciidamada Soomaaliyeed.
Intii uu socday howlgalka, waxaa halkaasi lagu dilay tiro ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta, sidoo kalena waxaa la burburiyay goobo ay u adeegsanayeen gabaad iyo xarumo istaraatiiji ah, kuwaas oo lagu garaacay madaafiic culus oo si toos ah u bartilmaameedsaday.
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar walba u heellan difaaca shacabka Soomaaliyeed, la dagaallanka kooxaha Khawaarijta, iyo xoreynta dhulalka wali ay ka wadaan falalka amni darro iyo dhibaatooyinka ka dhanka ah shacabka.