Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka oo dilay in ka badan 20 oo dagaalyahanada al-Shabab ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya geesiyaasha ciidamada degaanka ayaa guul weyn ka gaaray dagaal ka dhacay deegaanka Boos Hareeri ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Ciidamada XDS oo si feejigan uga hortagay weerar ay kooxda al-Shabab isku dayeen inay kusoo qaadaan deegaanka, ayaa dhirbaaxo adag ku dhuftay cadowga, waxaana halkaas lagu ciribtiray ku dhawaad 20 dagaalyahan oo ka tirsan al-Shabab, oo ay ku jiraan horjoogayaal sare oo ka tirsanaa argagixisada.

Sidoo kale ciidamadda ayaa gacanta ku dhigay gaadiid, iyo saanad ciidan,Howlgalkan guusha leh ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoreyneyso dhulka ay Kooxda al-Shabaab ku dhuumaaleysanayaan, iyada oo Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya shacabka Soomaaliyeed ay si buuxda uga go’an tahay ciribtirka cadawga nabadda iyo horumarka dalka diidan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *