Hargeysa – Juun 2, 2025: Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa maanta si rasmi ah u soo saaray digniin ku socota dhammaan dadka ka howlgala ama u dhow xeebaha dalka, gaar ahaan kalluumaysatada, dalxiisayaasha, iyo cid kasta oo ku sugan ama u dhow badda, iyaga oo uga digay khataraha ka dhalan kara dabaylo xooggan oo la filayo inay ku kacaan qaybo kamid ah xeebaha dalka.
Sida lagu sheegay warqad rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, saadasha cimilada ayaa muujinaysa in dabaylo xooggan ay ku dhici doonaan qeybo kamid ah xeebaha dalka, taas oo halis gelin karta badqabka dadka iyo hantida ku sugan meelahaasi.
Warqadda ayaa sidoo kale sheegtay in heer kulka uu sare u kici doono, iyadoo la saadaaliyay inuu gaarayo ilaa 41° Celsius, taas oo iyaduna keeni karta xaalado caafimaad oo halis ah, sida daalka kuleylka iyo fuuqbaxa, gaar ahaan dadka ka shaqeeya banaanka ama u dhow deegaanka xeebaha.
Ciidanka Ilaalada Xeebaha ayaa ugu baaqay shacabka in ay si dhow ula socdaan wararka cimilada iyo digniinaha la xiriira, ayna muujiyaan feejignaan dheeraad ah si looga hortago waxyeelo kasta oo iman karta.
Digniintan ayaa imaneysa xilli xagaaga uu si rasmi ah u bilaabanayo, iyadoo la ogyahay in xilligan ay baddu noqon karto mid halis ah oo isbedbeddel leh.
