Ciidamo ka socda masar oo qeyb ka noqonaya nabad ilaalina oo ku soo fool leh Soomaaliya

Howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM kaasoo ka bilaabanaya Soomaaliya Kowda Janaayo ee Sanadkaanm, 2025 ayaa ah mid ay ku loolamayaan dalal kala duwan oo gobolka ah. Masar aya u xusul duubeysa inay ciidamo u soo dirto Soomaaliya si ay qeyb uga noqot howlgalka nabad ilaalinta una xaqiijiso joogintaakeeda Bada Cas iyo saameynteeda gobolka.

 Ciidanka Masar ayaa la filayaa inay ilaaliyaan madaxda sare ee dowladda Soomaaliya iyo xarumaha muhiimka ah, iyadoo sidoo kale la-taliyayaal militari usoo direysa si ay tababar U siiyaan ciidanka Soomaaliya.

Saraakiil Sar sare ka tirsan Milatariga Masar ayaa xaqiijiyay in labada Todobaad ee socda ay dalka kusoo wajahan yihiin Ciidanka Masar.

Ciidankan ayaa la filaya Sidoo kale lagu soo daro kuwa ka baxsan howlgalka kuwaasoo dowladda Soomaaliya ka taageeri doono dhinacyo kala duwan.

Dhanka kale, Itoobiya oo hore ugu tiirsaneyd howlgalka Midowga Afrika ayaa ka walaacsan joogitaanka Masar ee Soomaaliya, taas oo sare u qaaday xiisadda taariikhiga ah ee labada dal. Soomaaliya ayaa wajahaysa cadaadis xooggan oo dhinacyo badan ah, maadaama aysan jirin xal fudud oo lagu dheelitiri karo xiriirka labada dhinac.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *