Puntland oo soo xirtay mid ka mid ah burcad badeedii afduubatay markabkii MV Abdullah
Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug ayaa xaqiijinaya in ciidamada booliska ee gobolku ay ku guulaysteen qabashada mid ka mid ah kooxdii qabsaday Markabkii MV Abdullah ee laga Lahaa dalka Bangaladesh. Taliska Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in hawlgal ay ciidanku ka fuliyeen magaalada Galkacyo lagu soo qabtay Cali Axmed Cali Shirwac da’diisa…