Category: Blog
Your blog category
Volodymyr Zelensky oo soo bandhigay shuruudo uu shaqada uga tagi karo
Madaxweynaha dalka Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa shir jaraaβid uu qabtay , wuxuu ku ku caddeeyay inuu diyaar u yahay inuu ka tago xilka madaxweynaha haddii ay xal nabadeed oo deg deg ah u keenayso Ukrain . Zelensky ayaa sheegay haddii la soo bandhigo dammaanad qaad amni uu iska tagi doono, waxaa kalo uu soo bandhigay…
Maxkamadda Ciidamada Somaliland oo Xukun Dil ah ku Ridaysay Nin Dhawaan Askari ku Dilay Gabiley
Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Somaliland ayaa xukun dil ah ku riday Saalax Isaaq, ka dib markii lagu helay in uu horraantii bishii hore magaalada Gabiley ku dilay Sarkaal Buux Mawliid Ismaaciil. Sidoo kale, maxkamaddu waxay xukuno kala duwan oo u dhexeeya 4 sano ilaa 13 sano oo xadhig ah ku riday afar eedaysane oo…
Ciidamada Daraawiishta Puntland oo deegaanno hor leh kala wareegay Khawaarijta Daacish
Ciidamada Daraawiishta maamulka Puntland ayaa si rasmi ah ula wareegay deegaannada Dararmadoobe, Curaar iyo buuraha afarta koone ee dhaca deegaanka Gaatir Oodan ee buuraleyda Cal-miskaad ee gobalka Bari. Deegaannada ciidamada Daraawiishta Puntland ay qabsadeen ayaa ahaa talisyo iyo difaac muhiim ah oo dagaalamayaasha Daacish ay isku diyaarinayeen sannado badan. Waxaana ciidamadu ugu tageen gaadiid iyo…
ππ¨π₯ππ‘ππππ¬π’π’π«π«ππππ¨π¨ππ§π¬π’π±π’π²ππ²ππ¨π«π¬π‘ππ‘πππ¬ππππππ₯π€ππππ«ππ§π€π
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan gaar ah, ayaa ansixiyey Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP-2025-2029), si loo xaqiijiyo hiigsiga horumarineed ee dalkeenna u jiheystay. Kulanka Golaha oo uu guddoominayey Raβiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale ansixiyey Xeerka Dhismaha Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo…
Somaliland oo Bilowday Olole Lagu Masaafurinayo Dadka Itoobiyaanka ah
Xukuumadda Somaliland ayaa qaaday olole lagu qabqabanayo dadka Itoobiyaanka ah ee aan sharciga haysan si loogu celiyo dalkoodii. Ciidamada booliiska magaalada, oo wata baabuurta shabaqa leh ee maxaabiista lagu qaado, ayaa saaka lagu arkay goobaha suuqyada iyaga oo qabqabanaya dadka Itoobiyaanka ah ee sharci laβaanta ku jooga Somaliland.Inkasta oo ay jiraan dad badan oo Itoobiyaan…
Taliyaasha ciidanka Qaranka Soomaaliyo iyo Itoobiya oo war-murtiyeed wadajir ah soo saaray
Taliyaasha ciidanka Qaranka ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si wadajir ah soo saaray war-murtiyeed ku Saabsan xaaladda labada dal. Arintan ayaa imaaneysa ka dib markii wafdi uu hogaaminayo taliyaha ciidamada xooga dalka Ethiopia Field Marshal Birhanu Jula, oo uu wehlinayo taliyaha sirdoonka qaranka Ethiopia Redwan Hussein soo gaaray magaalada…
Madaxweyne Xasan Sheekh oo si Diirran Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Tripoli ee Dalka Liibiya
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya, halkaas oo uu ku tagay booqasho rasmi ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Tripoli, ku soo dhaweeyey madaxda sare ee dowladda Liibiya, waxa…
Danjire Mohamed Zubeyr oo la kulmay Madaxa Jamhuuriyadda Tatarstan ee dalka Ruushka
Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Ruushka Mudane Mohamed A. Zubeyr ayaa kulan heer sare ah la qaatay Madaxa Jamhuuriyadda Tatarstan ee dalka Ruushka Mudane Rustam Minnikhanov. Kulanka labada dhinac waxaa looga wada hadlay arrimo badan oo dhanka ganacsiga iyo wax wada qabsiga,kaas oo ay ka faaβiidaysan doonaan Tatarstan iyo Soomaaliya. Danjire Zubeyr ayaa muddooyinkaan aad…
SODMA oo soo xirtay tababar kor loogu qaadayo hawlwadeenada gurmadka Deg Dega ah
Xarunta Qaran ee Hawlgallada Gurmadka Deg-degga ee Hayβadda Maareynta Musiibooyinka ayaa soo gabagabeysay tababarro toos ah (practical) oo lagu diyaarinayay aqoonta iyo kartida howlwadeennada gurmadka ee xaaladaha deg-degga ah oo isugu jira kooxda dab-damiska, wicitaannada iyo caafimaadka. Ujeedka ayaa ahaa, sidii kooxahaan ay wadajir ugu howl-gali lahaayeen xilliyada loo baahan yahay jawaab aan daah-lahayn, sida…