Golaha Wasiirada Somaliland oo go’aano wax ku ool ah soo saaray

Madaxweynaha Somaliland Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehliyo Madaxweyne ku xigeenku  ayaa maanta fadhi aan caadi aheyn iskugu yeedhay Xubanaha Golaha Wasiirada, si uu xog warran guud uga siiyo Safarkii Shaqo ee uu dhawaan Madaxweynuhu ku tagay dalka Imaraadka Carabta. Madaxweynaha ayaa ugu horeyn Golaha Wsiirrada u sheegay in waftigiisu ay kala hadleen…

Read More

Cali Jeyte oo sheegay inay dileen al-Shabab badan oo ay ajaanib ku jiraan

Ergayga madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha ciidamada deegaanka Cali Jeyte Cusmaan ayaa kka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee Khawaarijta looga xoreeyey deegaanno muhiim ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan. Cali Jeyte warbaahinta furimaha dagaalka ugu waramay ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka, nabad sugidda Qaranka, ciidamada Hiil Walaal iyo xoogagga dadweynaha oo iskaashanaya…

Read More

Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo Ergeyga gaarka ah Qaramada Midoobay oo Muqdisho ku kulmay

Ka dib booqasho uu Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ku tagay guriga Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xussen Rooble manta 1 Febraayo 2025, labada mas’uul ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay guriga Raysal wasaaraha. Labada mas’uul ayaa salaan kadib iska  xog-wareystay marxaladda guud ee dalka iyo arrimaha muhiimka u ah horumarka dalka, gaar…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Al-Shabaab xiriri la leedahay Xuutiyiinta Yemen

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta Yemen uu ka dhaxeeyo xiriir weeyn oo toos ah, taasoo sahashay in labada dhinac tababarka iyo hubka is-dhaafsadaan, iyagoo khatar ku ah amniga Badda cas iyo gobolka Geeska Africa. Madaxweynaha oo wareysi siiyay wargeyska Washington Post ayaa sheegay in…

Read More

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka oo daah-furay shir wadatashi

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Yuusuf Samatar, ayaa maanta daah furtay kulan ku saabsan xaqiijinta hindisaha afraad ee Qorshaha Caalamiga ah ee Kala Duwanaanshaha Noolaha (GBF-EAS). Kulankan, waxa uu diiradda saarayaa ansixinta warbixinta mashruuca iyo xoojinta wada shaqeynta hay’adaha muhiimka ah. Agaasime Yuusuf ayaa ka hadlay himilooyinka Soomaaliya…

Read More

Puntland oo xaqiijisay duqeymo laga fuliyay Buuraha Calmiskaad inay ku geeriyoodeen dad shacab ah

Ugu yaraan 4 qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday duqayn diyaarado aan la aqoon ay ka geysteen deegaanka Sixna oo Koonfur kaga beegan degmada Qandala ee gobolka Bari. Goobta lagu beegsaday qoysaskan waxaa ku dhow togga Jaceel oo kamid ah farriisimaha ugu waawayn oo ay kooxda Daacish ku leeyihiin buuraha Calmiskaad. Guddoomiyaha degmada Qandala…

Read More

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo sheegay in Doorashada Golaha Degaanka ka qaban doonaan Gedo Iyo Khaatumo Bisha June

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo wareysi siinayay Tv ga Qaranka Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyay inay asteeyeen ilaa 800 oo goobood ay doonayaan inay ka qabtaan Bisha June ee soo socota Doorashooyinka Golaha Degaanka, waxaana carabka uu ku dhuftay inta ugu badan Madaxda Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ay la kulmeen. Gudoomiyaha…

Read More