Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo isku shaandheen ku sameeyay Golihiisa Wasiirada
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta isku shaandheyn ku sameeyay xubno ka mid ah Golahihiisa Wasiirada, iyadoo xubno cusub ku soo daray, waxaana Xukuumadda laga saaray laba wasiir oo muddo kamid ahaa Xukuumadda Dan Qaran. Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maxamed Barre Maxamuud, iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Fardowsa Osman Cigaal, ayaa…