Madaxweyne Xasan Sheekh oo degmada Cadale ka wada dardargelinta dagaalka ka dhanka ah al-Shabab
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa degmo xeebeedka Cadale ee Gobolka Shabeelada Dhexe ee Dowlad Goboleedka HirShabeele kula kulmay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, waxgaradka, hoggaanka Macawisleyda iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaannada gobolka. Intii uu kulanku socday, Madaxweynaha iyo madaxda uu la kulmay ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay dardargelinta dagaalka…