Wajigii koowaad ee wada-xaajoodyada farsamo ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya oo ka dhacay Ankara

Waxaa magaalada Ankara ka dhacay wareegii koowaad ee wada-hadallada dhinaca farsamada ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, kaasoo uu fududeeyay Turkiga, sida ku cad baaqii Ankara ee la ansixiyay December 11, 2024. Kulamo gaar gaar ah oo uu wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Gedion Timothewos iyo Wasiiru Dowlaha…

Read More

Maamulka Koonfur Galbeed oo heshiis la saxiixday Shirkad laga leeyahay Kuwait oo dhiseysa Dekadda Baraawe

Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixday shirkadda Kuwaiti ah oo lagu magacaabo “Arabic Digital Holding” si ay u horumariso, ugana shaqeyso dekedda magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo ay u dheer tahay soo saarista agabka dabiiciga ah muddo 25 sano ah. Munaasabadan saxiixa heshiiska, guddoomiye ku-xigeenka iyo maamulaha shirkadda Arabeek Digital…

Read More

Somalia oo ka qeybgashay Shirka Wasiirada Maaliyadda Geeska Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia uga qeyb galay shirka 𝟐𝟑-𝐚𝐚𝐝 ee Wasiirada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Geeska Afrika (Horn of Africa initiative) oo ay marti galinayso Dowladda Ethiopia oo ah hoggaanka hada ee Madashada. Madashan oo 3 Biloodle ah ayaa diiradda lagu saaray Shantii Sano…

Read More

Wada hadalo farsamo oo Soomaaliya iyo Itoobiya uga socda magaalada Ankara ee dalka Turkiga

Mas’uuliyiin ka socda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa Turkiga ku leh wadahadallo farsamo si loo dhaqan geliyo heshiiskii Ankara, loogana wada hadlo codsiga Itoobiya ee ku aaddan soo gelista badda Soomaaliya. Wadahadalladan ayaa daba socda kulan dhawaan dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo la doonayay in sare loogu xiriirka…

Read More

Maraykanka oo xaqiijiyay inuu labo Daacish ah ku dilay duqayntii xalay ee Calmiskaad

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyay inuu duqayn cirka ah ku qaaday kooxda argigixisada ah ee Daacish ee ku dhuumalaysanaysa buuralayda Calmismaad ee gobolka Bari. Maraykanka ayaa sheegay inuu howlgalkan la kaashaday Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaana  uu sheegay inuu weerarkan ku dilay labo ka mid ah xubnaha kooxda Daacish. Sida laga soo xigtay…

Read More

Joojinta gargaarka Mareykanka ee USAID oo halis gelinaya barnaamijyada la dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya

Isagoo soo xiganaya mas’uuliyiin Mareykan ah, Wargeyska Washington Post ayaa sheegay in barnaamijyada ka hortagga argagixisanimada ee ay saameysay xannibaadda gargaarka Mareykanka ee sida gaarka ah loogu talagalay in lagula tacaalo khataraha dhanka ammaanka ah, taasoo ka dhigan in joojintooda ay khatar ku tahay Mareykanka iyo xulafadiisa caalamiga ah. Warbixintu waxay tilmaantay in joojinta barnaamijyadan…

Read More

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirka Caalamiga ah ee Amniga ee Munich

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Amniga ee Munich 2025. Shirkan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira amniga, gaar ahaan la dagaallanka argagixisada, isbeddelka cimilada, iyo xaaladaha siyaasadeed ee caalamka ka jira. Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka hadlay horumarka ay Soomaaliya…

Read More

Madaxweyne Cirro oo sheegay wadanka ugu horeeya ee aqoonsanaya Somaliland

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo ka qaybgalay Shirka Dowladaha Adduunka ee Dubai, ayaa sheegay inuu rajaynayo in Maraykanku noqdo waddanka ugu horreeya ee aqoonsada Somaliland, sidoo kale waxa uu sheegay in uu heshiis la gali doono Itoobiya ka hor inta aanu sannadkani dhamaan. Madaxweyne Cirro ayaa xusay in Somaliland ay tahay dimuqraadi, isla…

Read More

Puntlan oo Xassan Sheekh ku eedeysay safari dibada ah iyo xaraashka hantida dadweynaha

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cusmaan Lugatoor, ayaa sheegay in siyaasadda Soomaaliya ay god kusii dhacayso, isagoo xusay in Puntland ay go’aansatay inay faraha kala baxdo ka qaybgalka arrimaha dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Lugatoor ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka leexday waajibaadkii loo doortay, isagoo sheegay inuu ku mashquulsan yahay madaxweynuhu…

Read More

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Azerbaijan

Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Baku ee caasimadda Azerbaijan, taas oo la xiriirta hirgelinta heshiiska iskaashiga dibulamaasiyadeed ee Labada dal ay dhawaan wada gaareen. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa dalkan Ilham Aliyev iyo Xukuumaddiisa soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen wafdigiisa…

Read More