Caruur Lagu Afduubtay Galguduud

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud maleeshiyaad beeleed hubeysan ayaa deegaanka Laan-dawaco, oo u dhaxeeya magaalooyinka Cadaado iyo Dhabad, ka af-duubteen saddex ruux oo qoys ah.

Dadkan la af-duubtay ayaa kala ahaa hooyo, gabadheeda iyo cunug yar oo ay sidatay, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka. Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxdii falka geystay ay dadkaasi la aaday dhanka magaalada Dhabad.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qoyska la af-duubtay ay heyb ahaan kasoo jeedaan degmada Cadaado, mana jiraan ilaa iyo hadda faahfaahin rasmi ah oo kasoo baxday maamulka deegaanka ama hay’adaha ammaanka ee ku aaddan dhacdadan.

Falkan Af-duubka ah ayaa kusoo aadaya xili ay sii laba jibaarmeen falalka aanooyinka qabiil salla ku haya  ee ka jiraan qaybo ka mid ah gobolka Galgaduud iyo Mudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *