Booliska oo Sheegay inay Xiri doonaan ciddi aflagadeyso madaxda Dowladda

Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil iyo aflagaado loo geysto madaxda dalka, iyo sidoo kale ku xadgudubka diinteenna suuban, kadib markii ciidanku ay xabsiga dhigeen dhallinyaro muddooyinkii dambe baraha bulshada ku faafinayay muuqaallo iyo qoraallo liiddi ku ah madaxweyne xassan shiikh.

Afhayeenk booliiska oo muqdishu kula hadlay warbaahinta isniinta maant ah ayaa digniin ugu diray dhalinyarada muuqaalada iskaga duuwa dharka ciidanka iyo qoryaha, isagoo xusay in falkaas uu yahay dambi, isla markaana sharciga la horgeyn doono qofkii ku kacaa. Sidoo kale, askariga leh dharka iyo qoriga ayaa sidoo kale la marsiin doonaa sharciga.

Gaashaanle Abdifatax ayaa sidoo kale digniin u diray dhalinyarada koox-kooxda u socota guryaha kirada ah ee balwada ku isticmaala, isagoo sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Digniintan kasoo baxday Ciidanka Booliska ayaa imaaneysa xilli saacadahii lasoo dhaafay dhalinyaro lagu soo qabtay magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu eedeeyay aflagaadeynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Booliska ayaa mar kale ku booriyay bulshada inay ka fogaadaan falalka burburinaya midnimada iyo xasiloonida dalka, isla markaana ay ka shaqeeyaan nabadda iyo wadajirka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *