Maraykanka oo xaqiijiyay inuu labo Daacish ah ku dilay duqayntii xalay ee Calmiskaad
Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyay inuu duqayn cirka ah ku qaaday kooxda argigixisada ah ee Daacish ee ku dhuumalaysanaysa buuralayda Calmismaad ee gobolka Bari. Maraykanka ayaa sheegay inuu howlgalkan la kaashaday Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaana uu sheegay inuu weerarkan ku dilay labo ka mid ah xubnaha kooxda Daacish. Sida laga soo xigtay…
Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab oo kaashanaya kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo culus ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Jamaame. Deegaanada howlgalada ay ka fuliyeen ciidamada is kaashanaya waxaa ka mid ah Muuse Xaaji, Malaayley, Bandar jadiid iyo Haraare oo dhamaantood hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose. Howlgalka…
Joojinta gargaarka Mareykanka ee USAID oo halis gelinaya barnaamijyada la dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya
Isagoo soo xiganaya masβuuliyiin Mareykan ah, Wargeyska Washington Post ayaa sheegay in barnaamijyada ka hortagga argagixisanimada ee ay saameysay xannibaadda gargaarka Mareykanka ee sida gaarka ah loogu talagalay in lagula tacaalo khataraha dhanka ammaanka ah, taasoo ka dhigan in joojintooda ay khatar ku tahay Mareykanka iyo xulafadiisa caalamiga ah. Warbixintu waxay tilmaantay in joojinta barnaamijyadan…
Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirka Caalamiga ah ee Amniga ee Munich
Raβiisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Amniga ee Munich 2025. Shirkan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira amniga, gaar ahaan la dagaallanka argagixisada, isbeddelka cimilada, iyo xaaladaha siyaasadeed ee caalamka ka jira. Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka hadlay horumarka ay Soomaaliya…
Wasiirka Isgaarsiinta Soomaalia oo daahfuray shir muhiim ah
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS Mudane Xildhibaan πππ±ππ¦ππ πππππ§ πππππ₯π₯π’π§ (ππππππππ) ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Shirka fulinta Howlgalka Mashruuca EA-RDIP, oo markii ugu horreysay lagu qabtay gudaha Soomaaliya, kaddib goβaanka Wasiirka ee haa in shirarka mashruuca lagu qabto gudaha dalka halka markii hore dibadda looga qaban jiray. Shirkan oo socon doona…
Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo sheegay inay buuxinayaan booskii USAID
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa sheegay in dowladda iyo deeq bixiyaasha ay ka shaqeynayaan in la buuxiyo mashaariicdii ay hakisay USAID Wasiirka oo ka qeyb galay dood Ku saabsan Siyaasadda Dibadda ee Maraykanka iyo Saamaynta Geeska Afrika ayaa ammaanay wada shaqeynta dowladda mareekanka iyo soomaaliya…
MADAXWEYNAHA HIRSHABEELLE OO LA DARDAARMAY CIIDANKA DARAAWIISHTA EE U RUQAANSADAY KHAWAARIJTA
Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Hirshabeelle Gaashaanle Sare Xasan Dhicisoow Xasan ayaa si adag ula dardaarmay Ciidanka Daraawiishta Hirshabeelle gaar ahaan dufcada 5-aad ee dhawaan tababarka u soo dhammaaday. Waxay ugu baaqeen in laga sifeeyo al-Shabab dhamaan qeybaha dhiman ii Dowlad Goboleedka HirShabelle. Saraakiisha…
Madaxweyne Cirro oo sheegay wadanka ugu horeeya ee aqoonsanaya Somaliland
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo ka qaybgalay Shirka Dowladaha Adduunka ee Dubai, ayaa sheegay inuu rajaynayo in Maraykanku noqdo waddanka ugu horreeya ee aqoonsada Somaliland, sidoo kale waxa uu sheegay in uu heshiis la gali doono Itoobiya ka hor inta aanu sannadkani dhamaan. Madaxweyne Cirro ayaa xusay in Somaliland ay tahay dimuqraadi, isla…
Puntlan oo Xassan Sheekh ku eedeysay safari dibada ah iyo xaraashka hantida dadweynaha
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cusmaan Lugatoor, ayaa sheegay in siyaasadda Soomaaliya ay god kusii dhacayso, isagoo xusay in Puntland ay go’aansatay inay faraha kala baxdo ka qaybgalka arrimaha dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Lugatoor ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka leexday waajibaadkii loo doortay, isagoo sheegay inuu ku mashquulsan yahay madaxweynuhu…