Mareykanka oo duqeyn culus ku garaacay godad ay ku jireen Daacish
Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka oo taageeraya ciidamada Puntland , ayaa xalay duqeymo culus ku garaacay buuraha Calmiskaad, gaar ahaan godad la sheegay in ay ku sugnaayeen saraakiil iyo dagaallamayaal katirsan kooxda Daacish Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka difaaca Puntland ayaa lagu sheegay in duqeyn dhinaca cirka ah diyaaradaha Mareykanka xalay abaaro sagaalkii habeennimo ka fuliyeen…