Ciidanka xoogga oo hawlgalo ka fuliyey deegaano ka tirsan Galgaduud
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan ururada 242-aad iyo 243-aad, ayaa howlgal ballaaran ka sameeyay deegaannada Jilib Qoodhiley, Qori Madoobe, iyo deegaanka Cali Yabaal, kuwaas oo dhammaantood ka tirsan gobolka Galgaduud. Taliyayaasha ururadaasi, dhame Bashiir Qorane (Ururka 242) iyo dhame Cabdi Daahir Xirsi (Ururka 243), ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu yahay in laga hortago…